DF Somalia oo wadda qorshe ku aadan sidii caalamka loogu safri lahaa Baasaboorka Soomaaliya

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsidiyada dowlada Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi ayaa ka hadlay qaadashada baasaboorka Soomaaliya iyo dadaalka dowlada ugu jirto sidii caalamka loogu safri lahaa baasaboorka Soomaaliga.

Taliyaha oo la hadlay TV-ga Somali Cable, ayaa sheegay in wadamo badan oo caalamka ah ay kala hadleen sidii u aqbali lahaayeen in baasaboorka Soomaaliya loogu safri karo dalalkooda.

Dad khabiiro ah ayuu sheegay in loo xilsaaray sidii baasaboorka Soomaaliya caalamka looga aqoonsan lahaa, isaga oo sheegay in dalal badan oo dood arimahaasi ka qabay ay la kulmeen.

koofi

Sharciga iyo sifaha lagu bixiyo baasaboorka iyaga oo laga eegayo ayuu sheegay taliye Koofi in la wada qaatay in lagu kalsoonaan karo baasaboorka dalka Soomaaliya.

Docda kale,taliya socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya wuxuu ka dalbaday shacabka Soomaliyeed iney u dulqaataan sharciyada adag ee lagu soo rogay qaadashada baasaboorka Soomaaliya, taasi oo sahleysa in la aqoonsado baasaboorka laguna tagaa meelo badan oo caalamka ah.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close