M/weyne Xasan oo fariin u diray Saraakiishii hore ee ciidamada XDS

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Somaliya, ayaa fariin u diray saraakiishii hore ee ciidamada Cirka Somaliya, xilli uu la hadlaayay ciidamada Cirka.

Madaxweynaha ayaa fariinta uu u diray Saraakiishii hore ee ciidamada waxa ay tahay inay qoraan taariiqda Ciidanka oo mar ahaan jiray cudud Millateri oo Afrika ka muuqata.

Taliyeyaasha Ciidanka Qalabka Sida iyo dhammaan Saraakiishii hore ee Somaliya waa inay qoraan taariikhdii uu lahaa Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo mar ahaa geesiyaasha Afrika, kana qeybqaatay ka xorreyntii gumeystaha ee dalal badan oo Afrika ah.

xarunta-ciidamada-cirka-ee-soomaaliya30

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay Dowladiisa inay ahmiyad gaar ah siinayso dhismaha Hay’adaha kala duwan ee Dowliga ah si loo tayeeyo nidaamka Dowladnimo.

Dhismaha hay’adaha Dowliga ah waa aasaaska dowladnimo waxaana siinay ahmiyad gaar ah si howlaha muhiimka ah ee dowladda loogu helo xafiisyadiiiyo goobahii ay ka fulilahaayeen.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Bacdamaa aan mudnaan gaar ah siinay amniga waxaan u guntanay sidii dhammaan hay’adaha amniga ay u heli lahaayeen xarumo iyo xafiisyo ay kugutaan waajibaadkooda qaran.”

Madaxweynaha ayaa sheegay ciidamada Somaliya dalalka Afrika inay u tagi jireen howlo nabad ilaalin ah iyo inuu bixiyo tababaro.

Sidoo kale ciidanku waxuu dalalka Afrika qaarka mid ah ugu tagijiray nabad-ilaalin, dhexdhexaad in iyo inuusiiyo tababaro heer sare ah. Sidaas daraadeed, jiilka cusub iyo kuwa ka danbeeya waa in loo qoraa taariikhdaassi ay ugufaanaandalkooda, ciidankooda iyo qaranimadooda.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close