Saldhig Al-Shabaab ay ku leeyihiin duleedka Afgooye oo la duqeeyay

Filed under: WARARKA MAANTA |

Afgooye (Horumar Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa sheegaya diyaarado dagaal inay duqeyn ka geysteen halkaasi.

Duqeyntaan oo dhacday xalay Saqdii dhexe, ayaa la sheegay in Diyaaradaha ay duqeyn culus ku garaaceen Deegaanka Yimbis oo Qiyaastii 20-KM u jirta Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Deegaankaan ay Saldhig ciidan ku leeyihiin Ururka Al-Shabaab, xilli duqeynta ay dhaceysana, halkaasi ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka ayaa dhowr gantaal ku dhuftay deegaankaan oo xilliga la garacaayay ay ku beegneyd 1:00 habeenimo ilaa 2:00 inta u dhaxeysay sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi, kuwaasi oo soo gaaray dagaalyahanada ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Shacabka ku dhaqan Deegaano ku dhow halka la duqeeyay ayaa soo wajahday baqdin xoogan oo ku aadan sameyn ay ku yeeshaan weerarkaasi.

Weli lama shaacin halka laga leeyahay Diyaaradaha Duqeynta ku beegsaday Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee ku sugan Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close