Xasan Sh.: ”DF Somaliya waxay ku dadaali doontaa sidii ay u difaaci laheyd Weriyeyaasha Soomaliyeed”

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ee xilka ka sii dhamaayana, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wariyeyaasha Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal Naftooda u huray u shaqeynta bulshadooda.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay muhiim tahay in wariyeyaasha Soomaaliyeed ay helaan cadaalad buuxda oo ay ugu adeegaan bulshada, maadaama uu sheegay in ay ku shaqeeyaan Xaalad adag.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in uu ku dhiiragelinaayo wariyeyaasha in ay sii wadaan u shaqeynta bulshada Soomaaliyeed , waxaana uu sheegay in dowladda ay ku dadaali doonto sidii wariyeyaasha ay u heli la haayeen Cadaalad iyo sidoo kale ammaan.

xasan-sheekh-horumar_online

Maanta waa maalin ku weyn dowladda Soomaaliya Maalinta caalamiga ah ee lagu muujinayo Xisaabtan la’aanta iyo xadgudubyada loo geysto saxaafadda ,waxaan weydiisanayaa dhinacyada ay sida wey u khuseyso arintaani sida Maamulayaasha Warbaahinta , Hay’addaha dowladda, Beesha Caalamka , in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo caawin lahaa wariyeyaasha Soomaaliyeed , islamarkaana ay shaqadood ay ugu gudan la haayeen si ay ku dheehan tahay Daacadnimo, dhexdhexaadnimo, ayna uga shaqeyn la haayeen danta dadweynaha iyo sidoo kale mida Qaranka.” Sidaasi waxaa Yiri Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wariyeyaasha Soomaaliyeed waxa ay ku soo shaqeeyeen Waqti Adag xiliyadii dagaalada Sokeeye sidaas darteed dalkaani wariyeyaasha Soomaaliyeed la’aantood ma gaareen horumar , isla xisaabtan, ammaan, sidaas darteeda Wariyeyaasha Soomaaliyeed waa Geesiyaal , waana inaan ka hortagnaa oo aan difaacnaa in aan wax dhibaato ah loo geysan” ayuu hadalkaasi intaasi ku sii daray Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaan aad uga shaqeynay sidii laysku xiri lahaa ama laysku dabaridi lahaa xiriirka u dhaxeeya Ciidanka ammaanka ,warbaahinta iyo Wasaarada Warfaafinta , waxaana sidii wadi doonaa in la hagaajiyo xiriirka u dhaxeeya Wariyeyaasha iyo ciidamada ammaanka , Wasaarada Warfaafinta waxa ay sameysay tababar lagu dhisaayo Aqoonta Wariyeyaasha Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanuday Xasan Sheekh Maxamuud.

Weriyeyaasha Soomaaliyeed, ayaa maanta u dabaal degaya Maalinta caalamiga ah ee lagu muujinayo Xisaabtan la’aanta iyo xadgudubyada loo geysto saxaafadda.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close