Home WARARKA MAANTA XOG: Tagsiile kumanaan lacag siiyay Al-Shabaab oo dib loogu soo celiyay Muqdisho...

XOG: Tagsiile kumanaan lacag siiyay Al-Shabaab oo dib loogu soo celiyay Muqdisho & NISA oo lagu..

SHARE

Muqdisho (Horumar Online) – Tagsiile Soomaali Mareykan ahaa oo kumanaan kun oo doolar ugu diray Soomaaliya maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ayaa dib Soomaaliya loogu soo celiyay, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AP.

Tagsiilahaa ayaa ka shaqeyn jiray gobolka California waxaana lagu magacaabaa Axmednaasir Tahaliil Maxamuud, waxaana dhawaan maxkamad ku taala dalka Mareykanku ku heshay falkaa inuu ku kacay.

Talaadadii shalay ayaa la sheegay in Tagsiilahaas Soomaali Mareykanka ah laga soo dejiyay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

taxi

Waaxda socdaalka ee Mareykanka ayaa sheegtay in Shalay Axmednaasir Tahliil Maxamuud ay ku wareejisay Nabad sugidda Soomaaliya.

Ninkaa ayaa jira da’da 41, wuxuuna xabsi ku jiray dalka Mareykanka gudihiisa muddo 6 sano ah.

Docda kale, labo nin oo kale oo kiisas noocaa ah kula jiray Tagsiilahaan Soomaaliga ah ayaa Mareykanka gudihiisa lagu xukumay muddo 10 sano ah iyo muddo 18 sano ah oo xarig ah.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE