Al-Shabaab oo weerar Khasaare geystay ku qaaday fariisimada Ciidamada AMISOM & Kuwa DFS

Filed under: WARARKA MAANTA |

Sh/hoose (Horumar Online) – Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay weerar saf ballaaran ah ku qaaday fariisimo ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Amisom ay ku leeyihiin Gobolka Shabellaha hoose.

Weerarka ayaa ugu horeyn waxa ay Shabaabka ku qaadeen Saldhiga ciidamada Amisom ee deegaanka No.50, halkaasi oo mar kaliya ay ka bilaabatay rasaas xoogan oo Shabaabka ay ku weerareen ciidamada difaaca ku jira.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay Saldhiga Amisom oo ku yaala meel ka yara durugsan Deegaanka inay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo ciidamada Amisom iyo kuwa Shabaab ay isweydaarsanayeen.

Ilaa iyo hadda lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi dhexmaray ciidamada Amisom iyo kuwa Shabaab ee xalay weerarka ku soo qaaday deegaankaasi.

Ururka Al-Shabaab ayaa sidoo kale, weerar kale ku qaaday Degmada Qoryoley ee Gobolka Shabellaha hoose, waxa ay halkaasi kula dagaalameen ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom.

Muddooyinkii dambe Xoogagan Shabaabka waxa ay kordhiyeen weerarada xilliyada saqda dhexe ay ku qaadayaan Degmooyin ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose oo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay joogaan.

Saraakiisha dhinaca ammaanka Shabellaha hoose oo ay la xiriirtay Warbaahinta ayaa ka gaabsaday inay faah-faahin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay weerarada xalay ka dhacay Gobolkaasi.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close