SAWIRO: M/weynaha oo Warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Midowga Yurub

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) –  Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Midowga Yurub Veronique Lorenzo islamar-kaana ay Madaxweynaha soo gaarsiisey fariin ay ka wadey madaxda Midowga Yurub.

Safiirka cusub Veronique Lorenzo ayaa uga mahad-celisey Madaxwyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadaheeda aqoonsiga ee Safiirnimo. “Aqbalaada Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo weliba ah maalintii ugu horeysey ee aan imaado Muqdisho waxey tahay calaamad xoogan ee xiriirka heerka sare ee Midowga Yurub iyo Soomaaliya. Midowga Yurubna wey ka go’antahay inay sii joogteyso taageeradeeda Dalka Soomaaliya.” Ayey tiri Safiir Veronique Lorenzo

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xiriir qoto dheer la lahayd Midowga Yurub, waxuuna safiirada kula dardaarmay inay sii dar-dar geliso xoojinta xiriiirka labada dhinac. Madaxweynaha ayaa sheegay in Midowga Yurub ay 2013kii horseed ka ahaayeen barnaamijka New Deal oo Brussels lagu qabtay isla markaasna ay beesha caalamku yabooh ugu deeqeen Soomaaliya.

Ugu dambentii Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa yiri “ Waxaan uga mahad-celinayaa Midowga Yurub sida ay marwalba door fiican uga qaataan xoojinta xiriirka Soomaaliya, waxaana u rajeynayaa inay dowladda kala shaqeeyso mashaariicda dib-udhiska iyo horumarka dalka.”

safiirka-cusub-ee-midowga-yurub-ee-soomaaliya safiirka-cusub-ee-midowga-yurub-ee-soomaaliya1 safiirka-cusub-ee-midowga-yurub-ee-soomaaliya2 safiirka-cusub-ee-midowga-yurub-ee-soomaaliya3 safiirka-cusub-ee-midowga-yurub-ee-soomaaliya4

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close