UPDATE: In ka badan 200 oo Tahriibayaal oo ku dhimatay Liibiya

Filed under: WARARKA MAANTA |

Libya (Horumar Online) – In ka badan 239 muhaajiriin ah ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen laba doonyood oo ku degay meel ka baxsan xeebaha Liibiya, sida ay sheegeen saraakiil muhaajiriinta ku howlan.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, ayaa waxaa warkan u sheegay laba qof oo ka badbaaday doonyahaasi, isla markaana gaaray jasiiradda Talyaaniga ku taalla ee Lampedusa.

Ilaa iyo hadda ma jiraan meydad laga helay doonyahaasi.

migrant-boat-rescue

Sida uu sheegay ururka caalamiga ah ee socdaalka, in ka badan 4,200 oo qof ayaa ku dhintay badda Mediterranean sanadkan oo keliya.

Qaar badan oo ka mid ah dadka dhawaan ku dhintay baddaasi ayaa la rumeysan yahay in ay ka tageen Galbeedka Afrika.

Xafiiska Horumar Online, Rome
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close