DHAGEYSO: Maxay Galmudug ka tiri dagaalkii shalay ee Gaalkacyo

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Gaalkacyo (Horumar Online) – Maamulka Galmudug ayaa si kulul uga hadlay dagaalkii khasaaraha geysta ee gelinkii dambe shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka Kaluumeysiga iyo Qeyraadka Badda ee Galmudug kana mid ah gudiga Galmudug ay u xilsaartay xal ka gaarida colaada Gaalkacyo oo shir jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalkii shalay ee ka dhacay galbeedka Gaalkacyo.

HALKAN KA DHAGEYSO SHIRKA JARAA’D EE WASIIRKA

Wasiirka ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay in uu jabiyay heshiiskii xabad joojinta ahaa, isagoona sheegay in ciidamada Puntland ay weerarka ay soo qaaden.

Docda kale, wasiirka kaluumeysiga iyo Qeyraadka badda ee Galmudug, ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan heshiiska ay gaareen labada madaxweyne Cabdiweli Gaas iyo Cabdikariin Guuleed.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close