DHAGEYSO: Puntland oo shaacisay Khasaaraha dagaalkii Gaalkacyo

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Gaalkacyo (Horumar Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Xasan Maxamed Khaliif ayaa ku eedeyay Galmudug ay mas’uul ka tahay dagaal xoogan oo shaley ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA

Xasan Maxamed Khaliif, ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday fariisin ay ciidamada Puntland ay ku leeyihiin galbeedka magaalada Gaalkacyo, isagoona tilmaamay in ciidamada Puntland uu qasaare ka soo gaaray weerarkaasi.

dagaalka-gaalkacyo-horumar-online

Dagaal shaley ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay heshiiski dhawaan madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ay ku gaareen wadanka isutaga Imaaraadka Carabta.

Heshiiskaasi ayaa waxa uu dhigayay in xabada la joojiyo, islamarkaana aan warbaahinta la iska dacaayadeyn oo aan la ga sheegin hadlo sii hurin kara Dagaalka.

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

One Response to DHAGEYSO: Puntland oo shaacisay Khasaaraha dagaalkii Gaalkacyo

  1. In la is eedeeyp muhiim ma ahan ee dadka shacabka halaga daayo xasuuqa walaalayaal.

    xasan
    November 3, 2016 at 5:17 pm

Close