Haweeneeydii Kenyaanka aheyd oo dib ula Midowday Qoyskeeda

Filed under: WARARKA MAANTA |

Nairobi (Horumar Online) – Haweeneeydii Kenyaanka aheyd Loise Njoki ayaa dib ula midoowday Qoyskeedii, kadib markii muddo laba sano ah oo ay koox burcad badeed Soomaali ah ay ku heyteen gobolka Mudug.

Loise Njoki, ayaa markii laga dejiyay Garoonka Diyaaradaha Wilsan ee Magaalada Nairobi waxa ay halkaasi ku aragtay xubno ka tirsan qoyskeeda oo ay ugu horeyso gabadha yar ee ay dhashay.

Loise Njoki, ayaa markii ay aragtay Gabadheeda yar aad u ilmaysay, iyadoo dareemaysa farxad xoogan oo ku aadan dib inay u aragto qoyskeeda, iyadoo badqabta.

loise-njoki

Waan ku faraxsanahay inaan dib ula midoobo qoyskeyga anoo caafimaad qaba, marnaba niyada kuma aanan haynin inaan qoyskeyga la midoobaayo, marka la eego marxaladii aan ku sugnaa.” Ayeey tiri Loise Njoki.

Ciidamada Maamulka Galmudug, gaar ahaan kuwa NISA ayaa xoog ku soo furtay haweenaydaan oo muddo 18-bilood ah lagu haystay deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug.

loise-njoki1

Haweenaydaan 41 jirka ah ayaa aad uga mahadcelisay ciidamada Galmudug ee ka shaqeeyay badbaadeeda, waxaana ay sheegtay inaysan ilaabi doonin, wixii Soomaaliya loogu geystay.

Maamulka Galmudug ayaa todobaadkaan Xaflad ka dhacday Magaalada Cadaado Haweenaydaan ku wareejiyay, waxaana lagu wareejiyay Safiir ku xigeenka Kenya u fadhiya Soomaaliya.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close