Shariif Xasan:”Ma taageeri doono musharrax Daarood & Hawiye ah”

Filed under: WARARKA MAANTA |

Baydhabo (Horumar Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka naxsaday musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne ee kasoo jeeda beelaha Daarood iyo Hawiye.

Shariif Xasan ayaa sheegay in marnaba aanu diyaar u ahayn ka shaqsi ahaan inuu taageero musharraxiinta beelahan inta uu arkayo musharrax Digil iyo Mirifle ah.

shariif-xasan-sheekh-aadan

Ma taageeri doono musharax Daarood iyo Hawiye ah inta aan arkayo musharraxiinta u dhalatay Digil iyo Mirifle, haddii maanta aad isku soo taagtaan xilka madaxweyne waxaan hubaa inaad idinka oo kaliya heli doontaan, aniga ayaa dhan walbo idiinka taaageeraya waana ballan buuxda ee isasoo sharaxa” ayuu yiri Shariif Xasan.

Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, ayaa sheegay in markii hore uu isaga doorashada ku caawin jirey beelaha Hawiye ama Daarood, balse doorashada ay markaan ka gedisnaan doonto, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Si kastaba ha’ahaatee, Shariif Xasan Sheekh Aadan, waa shaqsi lagu bartay siyaasad cajiib ah, islamarkaana siyaasiyiin badan la gediyey mar uu u muujiyey dareen guul ah.

Xafiiska Horumar Online, Baydhabo
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close