XOG: RW Cumar: ”Doorashada Soomaaliya waqtigii loogu tala-galay ayay ku dhici doontaa”

Filed under: WARARKA MAANTA |

Jabuuti (Horumar Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa rajo ka muujiyay in doorashada ay ku dhici doonto waqtigii loogu tala galay, xilli ay soo baxayaan shaki ku aadan in mar kale dib u dhac ku yimaado Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Mr. Sharma’arke, oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo uga warbixiyay xaalada Soomaaliya, doorashooyinka dhowaan dhici doona, isagoo ka codsaday in Jabuuti gacan ka geysato.

cumar-cabdirashiid-sharmaarke

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in Jabuuti ka dalbadeen in garwadeen ama marqaati ka noqoto doorashooyinka dhowaan dhacaya, maadaama aheyd halka lagu unkay Carte dowladdii KMG aheyd, isagoo uga mahad celiyay sida ay mar walba Soomaaliya u garab taagan yihiin.

Wuxuu intaasi raaciyay, in todobaadkan magaalooyinka maamul goboleedyada ka bilaaban doonaan doorashooyinka Xildhibaanada aqalka hoose, isla markaana la doorto Xildhibaanadii ugu horeeyay.

Magaalooyinka maamul goboleedyada Soomaaliya, ayaa waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo la xiriira doorashada aqalka hoose, waxaana ku qul qulaya Musharraxiin xilal doon ah oo raadinaya Kursi Xildhibaan.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close