Trump iyo Obama oo olole iska soo horjeeda ka wada Florida

Filed under: WARARKA MAANTA |

Washington (Horumar Online) – Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuquraadiga ayaa markale foodda isku daray gobolka Florida oo ay u arkaan inay muhiim u tahay doorashada isbuuca soo socda.

Qarashka guud ee xayeysiinta iyo ololaha uga baxay labada xisbi ayaa sare u sii kacay.

Waxaa lagu qiyaasayaa in boqol milyan oo dollar uu musharax kastaa ku bixiyay Florida.

Donald Trump iyo Hillary Clinton, ayaa si joogto ah u booqday gobolkaasi.

trump-iyo-obama

Mr Trump ayaa Arbacadii booqday seddax magaalo oo gobolka ka mid ah, wuxuuna taageerayaashiisa u sheegay in ay tahay inuu Florida ku guuleysto.

Maanta oo Khmiis ahna wuxuu ku sii sugnaanayaan gobolkaasi.

Madaxweyne Obama ayaa calanka Dimuquraadiga maanta u qaadaya Florida.

Waxa uu door muhiim ah ka qaadanayaan ololaha Hilarry Clinton.

Shalay, wuxuu cod bixiyayaasha u sheegay in Trump uu halis ku yahay Mareykanka iyo caalamka.

Obama ayaa Trump ku tilmaamay inuusan u qalmin inuu noqdo taliyaha ciidamada xoogga dalka Mareykanka.

Saadaashii ugu dambeysay waxay muujineysaa in laba musharax ay madaxa iskula jiraa marka la eego gobolka Florida.

Xafiiska Horumar Online, Minnesota-US
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close