UPDATE: Ciidamada Puntland oo ku siqaya Deg. Qandala & Wararkii ugu dambeeyay…

Filed under: WARARKA MAANTA |

Qandala (Horumar Online) – Wararka naga soo gaaraya, Degmada Qandala ee Gobolka Bari, saaka oo Khamiis ah ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid ka deggan sidii shalay, kadib markii maaraakiib dagaal ay duqeeyeen Degmadaasi.

Ciidamada sheegtay inay ka mid yihiin Daacish ayaa halkaasi dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wada, waxaana sidoo kale aanan saakay halkaasi ka jirin wax duqeyn ah.

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa ku sii siqaya Degmada Qandala ee Gobolka Bari, waxaana wararka ay tilmaamayaan in ciidanka oo wata gaadiid dagaal oo fara badan qorshahooda uu yahay inay halkaasi ka saaraan Kooxda qabsatay.

Shalay waxaa Degmada Qandala duqeeyey maraakiib dagaal  oo la sheegay in ay yihiin kuwo NATO ee ku sugan xeebaha Somaliya, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha guud ee ka dhashay duqeyntaasi.

Inta badan shacabkii ku dhaqnaa degmada Qandala waxa ay u barakaceen deegaannada kale ee Gobolka Bari, qaarkoodna waxay doonyo ku tageen dekadda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas, ayaa ku hanjabay in Daacish aysan sii haysan karin Degmada Qandala.

Xafiiska Horumar Online, Boosaaso
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close