Home WARARKA MAANTA UPDATE:Wafdi isugu jira Musharixin caan ah iyo Wasiiro oo tagay ….

UPDATE:Wafdi isugu jira Musharixin caan ah iyo Wasiiro oo tagay ….

SHARE

Jowhar (Horumar Online) – Waxaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka cusub ee Hirshabeelle maanta oo Khamiis ah tegay musharraxiinta ugu caasan ee deegaannada maamulkaasi ka soo jeeda, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay halkaasi ku qul qulayeen, musharraxiin iyo ergooyin tira badan.

Xubno ay ka mid yihiin musharaxa madaxweynaha Soomaaliya C/qaadir Cosoble, musharax aqalka sare Prof. Cismaan Maxamuud Dufle, wasiiru dowlayaasha Maaliyadda iyo Dastuurka Xasan Maxamed Jimcaale iyo C/llaahi Maxamed Nuur, Wasiir ku xigeenka caafimaadka Cismaan Maxamed Daallo iyo xubno kale ayaa goor dhow ka degay magaalada Jowhar.

Jowhar ayaa isu bedeshay magaalo shidan, waxaana buuxa dhammaan hoteelada iyo gurya magaalada oo ay buux dhaafiyeen marti isugu jirta ergooyin, madax, shaqaale iyo dad fara badan oo ku soo jabay magaalada.

Horaanta bishan November ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ka dhacaan doorashooyinka Aqalka sare iyo Aqalka Hoose ee xildhibaanada kasoo jeeda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE