WAR DEG DEG: Ciidamada Koonfur Galbeed oo goor-dhow la wareegay Goofgaduud & Wararkii ugu dam…

Filed under: WARARKA MAANTA |

Goofgadud (Horumar Online) – Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa goor dhaw la wareegay gacan ku haynta Deegaanka Goofgaduud oo Qiyaastii Magaalada Baydhabo u jirta 30-KM.

Ciidamada uu hogaaminaayo Wasiirka Hub Ka Dhigista iyo Dhaqancelinta Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), oo tiradooda ay gaareyso 500 oo Askari ayaa gudaha u galay Deegaanka Goofgaduud.

Wararka waxa ay sheegayaan ciidamada oo aanan la kulmin wax iska caabin ah inay qabsadeen deegaankaan, kadib markii maleeshiyada Ururka Al-Shabaab ay halkaasi isaga baxeen.

Deegaanka Goofgaduud ayaa iminka degan, waxaana si buuxda hada gacanta ugu haayo ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamadan la wareegay gacan ku haynta deegaanka Goofgaduud, ayaa waxa ay yihiin ciidamo laga soo kala qoray deeganada Maamulka Koonfur Galbeed.

Taliye ku xigeenka Booliska Gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cari Case, ayaa sheegay deegaanka inay joogaan hada ciidankooda oo nabad ay ka jirto.

Wararka ay sheegaya in maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab ee ka baxay Deegaanka Goofgaduud ee Gobolka Baay ay iminka joogaan meel aan sidaasi uga fogeen deegaanka Goofgaduud.

Xafiiska Horumar Online, Baydhabo
Horumaronline@gmail.com 

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close