XOG: 20 ruux oo Shabaabnimo lala xiriirinayo oo lagu qabtay Muqdisho

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay ahaa waxay howlgal ballaaran ka sameeyeen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, kaasi oo dad lagu soo qabtay.

Howlgalkaan ciidamada xalay ay ka sameeyeen Degmada Wadajir, ayaa waxaa lagu baaraayay Xaafadaha Degmadaasi, waxayna ciidanka soo qabteen intii ay howlgalka wadeen rag dhalinyaro ah oo laga shakiyay.

Xaafadda Xaawo Taako ayaa la sheegay in ciidankaan ay howlgalka ka sameeyeen, waxaana lagu soo qabtay ku dhowaad 20 ruux sida dadka deegaanka ay sheegeen.

dad-la-qabtay-oo-la-baarayo_horumar_online

Ciidamada xaafadda ayeey soo galeen, waxay sheegeen iney raadinayaan dad xiriir la leh Al-shabaab, waxay qabteen 20 ruux dad aan ku qiyaasnay, cid kalena dhib uma geysan, weyna naga tegeen.” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dadka ku dhaqan xaafadda howlgalkaan laga sameeyey.

Degmada Wadajir shalay waxaa lagu soo qabtay labo nin oo Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo dil u geystay Nin Oday ahaa oo ku sugnaa Degmadaasi, xilliga labada nin Shabaabka ka tirsan la soo qabanaayay ciidamada ammaanka ayaa dhaawac u geystay.

Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ayaa muddooyinkaan dambe waxa ay la kulmayaan fashil kaga yimaada howlgalada ay ka sameeyaan Muqdisho, iyadoo maalmo ka hor ay aheyd in ciidamada ammaanka ay toogteen ruux Shabaab ka tirsan oo nin Sarkaal ah ku dilay Degmada Hodan.

Madaxda Dowladda ayaa laamaha ammaanka ku dhiirageliya inay askarta siinayaan Abaalmarin lacageed, hadii ay gacanta ku soo dhigaan nin Shabaab ka tirsan oo dil geystay.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close