M/weynaha Hirshabelle: Imaaradka xaq uma laha iney noo soo xusho madaxweynaha aan dooraneyno”

Filed under: WARARKA MAANTA |

Jowhar (Horumar Online) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llahi Cosoble,ayaa ka hadlay Shirkii Waddanka isu tagga Imaaraadka Carabta ay ku yeesheen Madaxda Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed.

Wararka qaar ayaa sheegayay in Dowladda Imaaraadka ay galaangal ku yeelaneyso siyaasadda Soomaaliya islamarkaana u kulmisay madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Soomaaliya sidii ay u heli lahayd in Doorashada soo socota uu madaxweyne ka noqdo Nin aamisan aragtida Imaaraadka danaheedana fuliya.

Madaxweyne Cosoble, ayaa beeniyay in xitaa wax khuseeya Siyaasadda Soomaaliya looga hadlay shirkii Imaaraadka, waxaana uu warar been abuur ah ku tilmaamay dadka warkaasi baahiyay.

cosoble

Ujeedada aan utagnay Dalkaasi waxa ay eheyd oo kaliya xal u helista dhibaatada gaalkacyo, majirto meel lagu soo hadal qaaday calaamadeynta qofka aan usoo dooraneyno Hogaanka soo socda ee Soomaaliya,xaqna uma laha Imaaraadka iney noo xusho qofkaan rabno”Ayuu yiri Cosoble

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha soo socdo uu ku guuleysanayo qofkii uu Alle calaf ugu daro Xildhibaannada la soo xulayana ay dooran doonaan qofka noqonayo madaxweynaha xiga ee Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in maalinta Axadda ee soo socota uu Maamulka Hirshabeelle wareejin doono xubnaha aqalka sare ku matalaya maamulkaasi.

Jowhar waxaa ka socda ololihii ugu danbeeyay oo ay wadaan Xubno utaagan XilkaAqalka Hoose umatalaya Maamulka HirShabeelle Baarlamaanka soo socda.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close