Ololaha Hillary Clinton iyo Donald Trump oo meel xasaasi ah maraya

Filed under: WARARKA MAANTA |

Washington (Horumar Online) – Waxaa dardar xoog leh yeesha ololaha doorashada ee dalka Mareykanka kaas oo ku sii dhowaanaya xilligii uu xirmi lahaa.

Hillary Clinton iyo Donald Trump waxay gobollada natiijada doorashada go’aanka ka gaaraya isugu soo bixiyeen taageerayaashooda.

Labada musharrax waxa ay su’aalo ka keenayeen sida mid kastaa uusan dalkaasi u maamuli karin.

Donald Trump ayaa sheegay in Hillary Clinton aysan ka bixi doonin hannaano lagu dacweynayo oo la xiriira emailka gaarka ah ee ay isticmaashay.

hillary-clinton-iyo-donald-trump

Xisbigeeda Dimuquraadiga waxa uu ka digayaa in Trump uu billaabi doono dagal dhab ah oo aanan ku ekeyn barta Twitter-ka oo keli ah.

Saadaasha natiijada doorashada oo aad isugu dhow ayaa waxay dhiiragelisay xisbiga Jamhuuriga.

Xittaa musharraxii mar ay sida adag isaga soo horjeedeen Trump, Ted Cruz, waxaa lagu arkay isu soo bax uu qabtay musharraxa madaxweyne ku xigeenka Trump, Mike Pence.

Arrin isbuuc ka hor u muuqatay inay tahay mid fudud ayaa hadda waxay isu bedeshay loollan cidiyaha la iska xagto.

Xafiiska Horumar Online, Minnesota-US
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close