XOG LA HELAY: In ka badan 800 oo Askarta Keynaanka ah oo shaqada ka tegay, Sababo Amni darteed!

Filed under: WARARKA MAANTA |

Nairobi (Horumar Online) – In ka badan 800 oo askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya ee KDF ayaa shaqadoodii militarinimo isaga tagay tan iyo sanadkii 2011 markii ciidamada KDF loo diray daakhilka Soomaaliya.

Sidaa waxaa xaqiijiyay Agaasimaha Dacwad-oogaha KDF Kenneth Okoki Dindi. Wuxuu intaa raaciyay in asbaab kala duwan ay ciidamadaasi shaqooyinkoodii militari uga tageen. 

Wuxuu sheegay asagoo waliba caddeyn tasdiiqsan ku qoray (affidavit) in arintaasi saamayn ballaaran ay ku yeelatay awooda KDF ee dhanka anshaxa ciidamada iyo goosashada askarta ah. 

Wuxuu sidoo kale sheegay in tagitaanka askar si wanaagsan u tababaran ay caqabado xun ku keeneyso hawlgalka militari ee kasocda iminka gudaha Soomaaliya.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close