Labo ka mid ah Ergooyinka wax dooranayo oo Kismaayo isku Dilay

Filed under: WARARKA MAANTA |

Kismaayo (Horumar Online) – Waxaa Galabta galinkii dambe Jimcihii maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbada Hoose Toorey isku dilay labo ka mid ah Ergooyinka wax dooranayo ee ku sugan Magaalda.

Labada Nin ayaa Toorey isku labaxay waxa ayna bilabeen in ay isla dhacaan, waxaana goobta ku geeriyooday mid ka mid ah.

Ragaan Torayda isla dhacay ayaa kasoo jeedo hal beel, waxaana soo kala dhex galay muran ku salaysan qaabka loomarayo soo xulista Xildhibaanka Matalaya Beesha ay kasoo jeedaan.

Ninka dhaawacmay ayaa lagaarsiiyay Isbitaalka Magaaaada kismaayo, halka midka dhintayna lageeyay dhagaxa mayka isbitaalka.

Maamulka Jubbaland iyo Gudiga Doorashooyinka jubbaland ayaa wali ka hadlin shilkaan galabta ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close