AKHRI: Magacyada iyo Beelaha ay ka soo jeedaan Xildhibaanada Aqalka hoose ee maanta lagu doortay Garowe

Filed under: WARARKA MAANTA |

Garoowe (Horumar Online) –  Waxaa maanta oo Taariikhdu tahay 5-ta November 2016, magaalada Garowe ka bilowday doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada oo ka dhaceysa xarumo kala duwan, isla markaana weli socota waxaa ilaa iyo haatan la doortay 6 xildhibaan oo ka mid noqday Baarlamaanka cusub ee Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada la Doortay iyo Beelaha ay kasoo jeedaan waxay kala yihiin sida soo socota:

Beesha Ciise Maxamuud: 1– Waxaa ku guulaystay kursigeedii Cali Yuusuf Cali Xoosh, isagoo cod dhan 49 cod kaga guulaystay Cabdirashiid Xasan Yuusuf oo helay 1 codoo qura.

Beesha Ogaaslabe: 2- Waxaa kursigeedii ku guuleystay Siciid Daahir oo 44 cod kaga guuleystay Faduumo Ismaaciil Bootaan oo iyaduna heshay 7 cod.

doorashada-xubnaha-sare-ee-puntlnad12

Beesha Dishiishe: 3- Waxaa ku guuleystay Cumar Ismaaciil Waberi oo helay 28cod, iyadoo uu la tartamayey Maxamed Cabdi Cismaan oo isna helay 22 cod.

Beesha Madhibaan: 4- Waxaa helay Cilmi Cumar Caynsane oo helay 27 cod kuna qaaday cod hal-dheeri ah, Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud ayaa helay 24 cod, halka Zakariye Khaliif aanu wax cod ah helin.

Beesha Bahmajeerteen/Warsangeli: 5- Waxaa ku guuleystay Axmed Ismaaciil Maxamed oo helay 38 cod, waxaana la tartamay Iimaan Maxamed Cashuur oo helay 12 cod.

Beesha Cali Saleebaan: 6- Waxaa ku guulaystay Maxamuud Xayir oo helay 37 cod waxaana la tartamay C/samad Maxamed Abwaan oo helay 12 cod iyo Cabdixafid Cali Yuusuf helay 2 cod.

Kala soco wixii ku soo kordha doorashada Horumar.com insha allaah.

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com 

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close