DAAWO SAWIRO: Doorashada Xubnaha Aqalka hoose oo Garoowe ka socota

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Garoowe (Horumar Online) – Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, waxaa ka bilaabatay Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee Maamulka Puntland, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Maamul Goboled ee Puntland.

Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ayaa ka socota hoolalka Jaamacadaha Jaamacadaha Bariga Afrika iyo Puntland State University.

Sida qorshaha uu yahay 12-kursi ayaa maanta ilaa beri ay soo dooran doonaan Xubnaha Ergada ee dooranaya Xildhibaanada Aqalka hoose ee deeganada Puntland.

Ammaanka Magaalada Garowe ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la dhigay goobaha Doorashada ay ka dhaceyso ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Puntland.

Maamulka Puntland ayaa noqonaya Maamulkii ugu horeeyay ee soo doorta Xubnaha u tartamaya Aqalka hoose ee dalka.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa xarumaha Maamul Goboledyada dalka inay ka biloowdaan Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee Somaliya.

doorashada-xubnaha-sare-ee-puntlnad doorashada-xubnaha-sare-ee-puntlnad1 doorashada-xubnaha-sare-ee-puntlnad2 doorashada-xubnaha-sare-ee-puntlnad3 doorashada-xubnaha-sare-ee-puntlnad4 doorashada-xubnaha-sare-ee-puntlnad5 doorashada-xubnaha-sare-ee-puntlnad6 doorashada-xubnaha-sare-ee-puntlnad7 doorashada-xubnaha-sare-ee-puntlnad8 doorashada-xubnaha-sare-ee-puntlnad9 doorashada-xubnaha-sare-ee-puntlnad10 doorashada-xubnaha-sare-ee-puntlnad11 doorashada-xubnaha-sare-ee-puntlnad12

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close