DAAWO SAWIRRO: Faah-faahinta weerarkii ismiidaaminta ah ee Caawa ka dhaca magaalada Muqdisho

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Inta la ogyahay laba askari, ayaa ku dhimatay weerarkii ismiidaaminta, ee caawa ka dhacay Barxadda Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Naftii hallige la socday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa beegsaday askar ka tirsan Ciidamada Dowladda, xilli gaari ay wateen uu ku sugnaa Barxadda Sayidka.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Cabdifitaax Cumar Xalane, ayaa Warbaahinta u sheegay dhimashada laba ka mid ah Ciidamada Dowladda iyo dhaawaca saddex kale.

Afhayeenka, ayaa cadeeyay in ninkii is qarxiyay uu si toos ihi u beegsaday gaari nooca dagaalka, oo ay leeyihiin Ciidanka Militariga Somaliya.

Kooxda Al-Shabaab, ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi. Waxay sheegeen in nin ka tirsan maleeshiyadooda uu weeraray gawaari ay la socdeen Ciidanka Sirdoonka Dowladda.

Maleeshiyada Al-Shabaab, ayaa ku faanay in weerarkaasi lala beegsaday ciidan ku dhow 100 askari, oo watay toddobo ka mid ah gaadiidka dagaalka.

Si kastaba ha’ahaatee, goobta uu weerarka ismiidaaminta ah ka dhacay oo kaabiga ku haysa Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Otto Otto, ayaa waxaa xilliyada habeenkii ka hawlgala ciidan baaritaano ku marsiiya gaadiidka.

qaraxii-ismiidaaminta-ee-muqdisho qaraxii-ismiidaaminta-ee-muqdisho1 qaraxii-ismiidaaminta-ee-muqdisho2

Tens of thousands of South Korean people march during a rally calling on embattled President Park Geun-hye to resign over a growing influence-peddling scandal, in central Seoul, South Korea, November 5, 2016.  REUTERS/Kim Hong-Ji

qaraxii-ismiidaaminta-ee-muqdisho4

qaraxii-ismiidaaminta-ee-muqdisho6

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close