DAAWO SAWIRRO: Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii Caawa ka dhacay Taalada Sayidka+Faah-faahin Dheeri

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Taliska Booliska Gobolka Banaadir, ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyay weerarkii ismiidaaminta, ee fiidnimadii caawa ka dhacay Barxadda Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Korneyl Bishaar Abshir Geedi, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, ayaa tilmaamay in Shabaabku ay soo qaadeen waxa uu ugu yeeray ismiidaamin raqiis ah, ka dib markii ay culeys badani kala kulmeen Ciidamada Qalabka Sida, ee loo xil saaray inay xaqiijiyaan nabadgelyada Caasimadda.

Taliyaha, ayaa sheegay in nin watay gaari lagu soo raray walxaha qarxa uu weeraray gaari ay leeyihiin Ciidanka Militariga, oo yaalay Isgoyska Sayidka.

Taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Isgoyska Sayidka, ayaa sheegay ka hor inta aanu gaarigaasi qarxin inay Ciidanka Militariga rasaas oodda kaga qaadeen, ka dibna uu wadihii gaariga foodda uga dhuftay gaarigii Ciidanka Militariga ee halkaasi yaalay.

Waxaa uu qeexay in weerarkaasi uu sababay dhimashada saddex ruux, laba ka mid ah Ciidanka Militariga iyo ninkii la socday gaarigii weerarka loo adeegsaday iyo dhaawaca saddex askari oo kale.

Korneyl Geedi, ayaa hoosta ka xariiqay inaanu weerarkan niyad-jebin doonin ciidamada ammaanka, balse uu ku dhiiragelinayo inay dardargeliyan hawlgalada ka dhanka ah nabadiidka.

Kooxda Al-Shabaab, ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan ismiidaaminta, oo caawa laga maqlay inta badan xaafadaha Magaalada Muqdisho.

qaraxii-sayidka-ee-muqdisho qaraxii-sayidka-ee-muqdisho1 qaraxii-sayidka-ee-muqdisho2 qaraxii-sayidka-ee-muqdisho3 qaraxii-sayidka-ee-muqdisho4 qaraxii-sayidka-ee-muqdisho5 qaraxii-sayidka-ee-muqdisho6

Tens of thousands of South Korean people march during a rally calling on embattled President Park Geun-hye to resign over a growing influence-peddling scandal, in central Seoul, South Korea, November 5, 2016.  REUTERS/Kim Hong-Ji

Tens of thousands of South Korean people march during a rally calling on embattled President Park Geun-hye to resign over a growing influence-peddling scandal, in central Seoul, South Korea, November 5, 2016. REUTERS/Kim Hong-Ji

qaraxii-sayidka-ee-muqdisho8

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho 
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close