Home WARARKA MAANTA DEG-DEG: Weerar Ismiidaamin ah oo caawa ka dhacay Caasimada Muqdisho & Xaaladda...

DEG-DEG: Weerar Ismiidaamin ah oo caawa ka dhacay Caasimada Muqdisho & Xaaladda oo kacsan

SHARE

Muqdisho (Horumar Online) – Qarax si wayn looga maqlay inta badan Magaalada Muqdisho, ayaa goor dhow ka dhacay Isgoyska Sayid oo ku dhow Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Qaraxan oo ka dhashay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, uuna saarnaa naftii hurre, ayaa waxay warar horudhac ihi sheegayan in lala beegsaday gaari ay la socdeen Ciidamada Dowladda.

Warar kalana waxay sheegayan in gaarigaasi ay joojiyeen ciidamada amnniga ee ka hawlgala Isgoyska Sayidka, isla-markaana uu qarxay, xilli ay baaritaano ku sameynayeen.

Goobjoogayaal ayaa Horumar.com u sheegay, in qaraxa ka dib goobtaasi laga maqlay rasaas xoogan, oo ay dhawr jiho u furayn Ciidamada Dowladda Somaliya.

Goobta uu qaraxu ka dhacay, ayaa waxaa ka ag-dhow Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Otto Otto. Ciidan fara-badan ayaa la soo warinaya in ay soo gaareen halkii uu qaraxu ka dhacay, waxayna xireen wadooyinka soo gala goobtaasi.

Dhanka kale Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkan, ayaa waxay qoraal ku sheegeen in naftii hurre ka tirsan dagaal-yahanadooda uu beegsaday gaadiid ay la socdeen Sirdoonka Dowladda Somaliya.

Ururka Al-Shabaab, ayaa ku faanay in weerarkaasi lala beegsaday ciidan ku dhow 100 askari, oo watay toddobo ka mid ah gaadiidka dagaalka.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE