Home WARARKA MAANTA TOP: Maalqabeen Afrikaan ah oo $1Milyan iyo Gaari siinaya Qofkii ka soo...

TOP: Maalqabeen Afrikaan ah oo $1Milyan iyo Gaari siinaya Qofkii ka soo laabta Mareykanka haddii la doorto Trump!!

SHARE

South Africa (Horumar Online) – Femi Adenugame oo ah Maal qabeen u dhashay Dalka Koofur Afrika ayaa sheegay in Qoys kasta oo Afrikaan Ameerikaan ah oo doonaya in ay ka soo laabtaan Mareykanka uu siinayo $1Milyan oo Doollar iyo Gaari haddii Madaxweyne loo doorto Donald Trump.

Iyada oo uu sii kardhayo walaaca laga qabo Donald Trump oo ballan qaaday in haddii la doorto Madowga iyo Muslmikuba xoog kaga celinayo mareykanka ayaa Ninkan u dhashay Koofur Afrika waxaa uu go’aansaday in uu ballan qaadkaasi sameeyo.

Ololahan ayuu ugu magac daray Back to Afrika “ku soo laabo Afrika”,waxaana uu doonayaa in dhamaan dadka ka soo jeeda Qaaradda Afrika ay ka soo laabtaan Mareykanka dib ugu soo laabtaan halkii laga kaxeeyay bartmihii Qarnigii 19aad.

femi-adenugame-and-trump

“waxaan rabaa in aan lacagteyda ku sameyo wax wanaagsan, horay ayaan ugu sameeyay dadka Koofur Afrika iyo kuwa Qaaradda Afrika, hadda waxaan doonayaa in aan walaalaheyga Afrika ee Mareykanka aan u rumeeyo ballan qaadkaas haddii la doorto Ninka Muslim iyo Madow naceybka badan ee Donald Trump”.ayuu yiri Mr Adenugame.

“Donald Trump waa Bilyoneer Mareykan cunsuri ah haddii uu doortay in uu dadka midabkooda ku naco anna waxaan ku baaqayaa in Qof kasta oo madow ah uu ka soo tago mareykanka lacagtaas iyo Qoyskiiba gaari ayaan siinayaa” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Waxaa uu shuruud uga dhigay in Qof kasta oo fursaddaas ka faa’ideysana uu da’aan jiro 18 Sano, heysto ama heli karo Baasaboorka dalkiisa rasmiga ah, diiwaankana ugu jirin  dambiyo hore oo uu galay.

Qorshaha maal qabeenkan Koofur Afrika ee dib ugu soo laabo Afrika waxaa uu billoowday 1dii Bishan November 2016.

Doorashada Mareykanka  ayaa lagu wadaa in ay dhacdo Talaadada soo socota ee 8-da November, waxaana isha lagu wada hayaa Musharraxa ku guuleysan kara doorashadan.

Xigasho:Empireherald.com

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

SHARE