Clinton iyo Trump oo natiijo ahaan aad isugu soo dhowaanaya

Filed under: WARARKA MAANTA |

Washington (Horumar Online) – Hillary Clinton iyo Donald Trump ayaa wada soo afjaridda ololaha doorashada ayagoo marba gobol u duulaya.

Aftidii ugu dambeysay ee la qaaday waxay muujineysaa in Clinton ay weli hogaamineyso, lakiin aad bay isugu dhow yihiin labada musharax.

Clinton Waxay bedeshay jadwalkeeda ay ku booqan lahayd meelo la filayay laba isbuuc ka hor inay ayada u codeeyaan.

Weriye ka tirsan BBC-da wuxuu sheegay in hadda labada dhinacba ay ku loolamayaan sidii ay codad badan uga heli lahaayeen gobollada tartanka uu ka socdo.

trump-and-clinton_horumar_online

Hillary Clinton ayaa ka qeybgashay xaflad uu qabtay fanaanka Jay-Z oo ka dhacday Ohio.

Waxay dooneysaa in dadka Asalkoodu Afrikaanka yahay ay si weyn uga qeybgalaan doorashada.

Illaa Jimcihii, 37 milyan oo cod ayaa la dhiibtay taasi waxay muujineysaa in codadka la dhiibtay ay ku dhow yihiin kuwa 2012kii.

Balse, dadka Afrikaanka ah codad kooda ayaa weli aad u hooseeya, waxaana la sheegayaa in dadka Latin Amerika ka soo jeeda ay si weyn u codeeyeen.

Xafiiska Horumar Online, Minnesota-USA
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close