UPDATE: Qaramada Midoobay oo ka digtay Qatarta Al-Shabaab

Filed under: WARARKA MAANTA |

Nairobi (Horumar Online) – Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ka digtay khatarta Ururka Al Shabaab ee ka dagaalama Somaliya, marka loo eego weerarada ay ka fuliyaan Somaliya.

Warbixin ka soo baxday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa lagu muujiyay weli inay taagan tahay awooda Shabaab ee Somaliya.

Waxaa lagu caddeeyey warbixintan in Al Shabaab ay sanadkaan iyo midkii ka horreeyayba ay dalka ka geysteen weeraro waxyeello badan dhaliyey, sidaa darteedna aan la yareesan karin weli awoodda kooxdaasi.

“Dadaallada lagula dagaallamayo Al-shabaab markii la eego waxaa muuqata in horumar badan laga sameynayo, balse weli waxaa nabadda Somaliya caqabad ku ah Al Shabaab, sidoo kale kaliya Somaliya caqabad kuma ahan kooxdan ee waxay kaloo caqabad ku yihiin geeska Africa.” ayaa lagu yiri warbixinta Golaha ammaanka.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federalka Somaliya inay xoojiyaan dadaalada ku aadan dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab ee Somaliya ka socda.

Dhanka kale Golaha ammaanka ayaa walaac ka muujiyey xaaladda amni ee kasii dareysa gudaha Kenya, kadib weeraro is xig xiga oo Al Shabaab ku qaadayaan magaalooyin ka mid ah dalkaasi.

Al Shabaab ayaa xoojiyay weerarada ay ka fulinayaan Magaalada Mandera ee dalka Kenya, halkaasi oo todobaadyadii la soo dhaafay ay ka geysteen dhowr weerar.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close