Weeraro laga dilay in Al-Qaacidda ay fuliso xilliga doorashada ay ka dhaceyso Mareykanka

Filed under: WARARKA MAANTA |

New York (Horumar Online) – Saraakiil ka tirsan sirdoonka dalka Mareykanka ayaa ka digay suurtagalnimada weeraro Al Qaacida ay ka fuliso dalka Mareykanka, xilli ay socoto ololaha doorashada dalka Mareykanka oo todobaadkaan gudihiisa la filaayo inay ka dhacdo dalka Mareykanka.

Saraakiisha Sirdoonka Mareykanka ayaa uga digay masuuliyiinta Gobolada New York, Texas iyo Virginia in weeraradaasi ay ka dhacaan goboladooda Isniinta soo socota.

Digniinta ay jeediyeen Saraakiishaan ka tirsan Sirdoonka Mareykanka kuma aysan saleynin meel gaar ah oo ay ka dhici rabaan, marka laga reebo in suuragal ay tahay in Goboladaasi ay ka dhacaan weerarada.

“FBI waxay la shaqeyneysaa dowladda Federaalka iyo kuwa gobollada, kuwaas oo is dhaafsanaya xogaha ku saabsan shaqooyinka maalinlaha ah, waxana sii wadi doonnaa inaan si dhow ula shaqeyno ciidamada sharci ilaaliyayasha iyo xubnaha sirdoonnada ee bulshada, si loo ogaado loogana hortago halisaha ka dhanka ah nabadgelyada bulshada.” sidaas waxa CBS u sheegay sarkaal sare oo FBI ka tirsan.

Masuuliyiinta gobolada digninta loo jeediyay ee dalka Mareykanka ayaa heegan buuxa geliyay ciidamadooda, si ay uga hortagaan weeraradaasi suurtagalka ay tahay inay fuliyaan Al Qaacida.

Al Qaacida iyo Daacish ayaa horay weeraro uga fuliyay dalka Mareykanka, inkastoo uu jiro walaaca ku aadan weerarada hada laga digaayo.

Xafiiska Horumar Online, Minnesota-USA
Horumaronline@gmail.com 

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close