XOG: Maxaabiis ku xiran CADAADO oo loo soo wareejinayo Muqdisho

Filed under: WARARKA MAANTA |

Cadaado (Horumar Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliya Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay inay Muqdisho u soo wareejinayaan Maxaabiis ku xiran Deeganada Maamulka Galmudug.

Axmed Cali Daahir oo shalay tagay Magaalada Cadaado, ayaa Saxaafadda wuxuu u sheegay ujeedada uu halkaasi u tagay inay tahay arimo ku aadan sidii loo soo wareejin lahaa Maxaabiis ku xiran Magaaladaasi.

Waxa uu sheegay sababta loo wareejinaayo inay tahay helida cadaalad iyo garsoor wanaagsan iyo sidoo kale sidii loogu xiri lahaa Xabsi wanaagsan.

“Waxyaabaha aan u unimid waxaa ka mid ah runtii Maxaabiista ku xiran meelo ka mid ah Dowlad Goboledka Galmudug oo aanan haysan Cadaalad iyo meel xabsi ah oo lagu xiro inaan wareejino oo aan u wareejino meelaha Garsoorka iyo Xabsiyada ay ka heli karaan, iyadana Dowlad Goboledkada inay naga caawiyaan sidii aan u wareejin laheyn.” Ayuu yiri Xeer ilaaliyaha.

Taliyaha ciidamada Asluubta Somaliyed Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe” ayaa dhankiisa sheegay Taliska asluubta inay ka shaqeynayaan sidii Maxaabiista ku xiran Deeganada Galmudug loogu wareejin lahaa Xabsiga Magaalada Muqdisho.

Deeganada Maamulka Galmudug, ayaa waxaa ku xiran maxaabiis kala duwan oo kiisas galay, kuwaasi oo aanan helin Cadaaladii ay xaqa u lahaayeen.

Maamulka Galmudug oo fadhigiisa uu yahay Magaalada Cadaado, ayaanan laheyn xabsi wanaagsan oo Maxaabiista lagu xiro, maadaama Galmudug KMG ay u degan tahay Magaaladaasi.

Xafiiska Horumar Online,Muqdisho
Horumaronline@gmail.com 

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close