Home Dhacdooyinka DAAWO SAWIRRO: Fanaaniin caan ah oo ka qeyb qaatay ololaha doorashada ee...

DAAWO SAWIRRO: Fanaaniin caan ah oo ka qeyb qaatay ololaha doorashada ee Hillary Clinton

SHARE

Cleveland (Horumar Online) – Musharaxa Xisbiga Dimuquraadiga ee dalka Maraykanka Hillary Clinton ayaa xaflad weyn ku qabatay magaalada Cleveland ee gobolka Ohio waxaana ka qeyb qaatay fannaaniin caan ah oo ay ka mid ahayeen Jay Z iyo Beyoncé .

Fannaaniintan ayaa sidoo kale weerar afka ah waxay ku qaadayeen musharraxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump kaasoo ay ku sheegeen mid aan u qalmin hoggaaminta dalweynaha Mareykanka.

”Waxa uu kala geynayaa shacabka dalkeena, mana u qalmo inuu madaxweyne inoo noqdo”, sidaa waxaa yiri fannaan Jay Z, waxana sidoo kale ay fanaaniintan goobta ka qaadeen heeso ay ku amaanayeen musharaxa Hilllary Clinton.

Waxaa sidoo kale ka qeyb galay xafladan dad caan ah oo ay ka mid yihiin Chance The Rapper, J. Cole iyo Big Sean si ay taageero ugu fidiyaan musharraxa Hillary Clinton oo illaa hadda ku horeysa saadaalinta cida ku guuleysaneysa doorashada Maraykanka.

Labo maalmood ayaa ka harsan doorashada Maaraykanka oo dhaceysa Talaadada soo socota, iyadoo shacabka wadankaasna ay si weyn ugu diyaar garoobeen.

fanaaniin-ka-qeyb-qaatay-ololaha-doorashada-ee-hillary-clinton fanaaniin-ka-qeyb-qaatay-ololaha-doorashada-ee-hillary-clinton1 fanaaniin-ka-qeyb-qaatay-ololaha-doorashada-ee-hillary-clinton2 fanaaniin-ka-qeyb-qaatay-ololaha-doorashada-ee-hillary-clinton3

Xafiiska Horumar Online, Minnesota-USA
Horumaronline@gmail.com

SHARE