Dagaal xooggan oo u dhaxeeya Galmudug & Puntland oo ka socda Gaalkacyo iyo Xaaladda oo kacsan

Filed under: WARARKA MAANTA |

Gaalkacyo (Horumar Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in saaka halkaasi uu ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalkaan oo aanan la ogeyn cida sida rasmiga ah u biloowday labada dhinac, ayaa mar kaliya waxaa Magaalada Gaalkacyo laga maqlay dhawaqa rasaas culus oo labada dhinac ay halkaasi isku weydaarsanayaan.

Wararka waxa ay sheegayaan in Galbeedka Magaalada Gaalkacyo oo markii horeba ay isku hor fadhiyeen dhinacyada halkaasi ku dagaalamaya inuu dagaalka halkaasi ka socdo.

Dhawaqa rasaas culus ayaa la isku weydaarsanayaa Magaalada Gaalkacyo oo dagaalka uu ka socdo.

Wariyaha Horumar.com ee gobolka Mudug ayaa sheegay saaka aroortii inuu biloowday dagaalka, islamarkaana xaalada ay aad u cakiran tahay oo aanan la ogaan karin Khasaaraha ka dhashay dagaalka socda.

Galmudug iyo Puntland ayaa heshiis horu dhac u ah dagaalka Magaalada Gaalkacyo waxa ay ku gaareen dalka Isu taga Imaaraadka carabta, inkastoo hada heshiiskaasi la jebiyay.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay u baahan tahay dib u heshiisiin rasmi ah in loo sameeyo dhinacyada halkaasi ku dagaalamaya.

Xafiiska Horumar Online, Garoowe 
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close