DHAGEYSO: Khasaaraha dagaalka ka socda Gaalkacyo oo kordhay

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Gaalkacyo (Horumar Online) – Khasaarihii ugu badnaa ayaa maanta ka dhashay Dagaalka weli ka soconaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaasoo u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkan oo ahaa kii ugu xooganaa ayaa sababay Dhimasho iyo Dhaawac farabadan oo soo kala gaaray Dhinaca halkaas ku dagaalamay ee Puntland iyo Galmudug.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA IYO KHASAARAHA

Isbitaalada Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa la geeyey Dhimashada 10 Askari iyo Dhaawaca 12 kale oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland, halka Dhanka koonfur la geeyey 8 Askari iyo Dhaawaca 14 kale oo Ciidamada Galmudug ah, Weli lama oga Khasaaraha dhanka Shacabka soo gaaray.

Sidoo kale Dagaalka ayaa waxa lagu dilay Saraakiil Ciidan iyadoona sidoo kale Gaadiid dagaal lagu kala qabsaday.

Galmudug iyo Puntland ayaa midba midka kale ku eedeeyey inuu jebiyey Heshiiskii is afgaradka ahaa ee Lagu gaaray Imaaraadka Carabta.

Xaalada Gaalkacyo ayaa ah mid kacsan waxana weli socda Dagaalka u dhexeeya labada dhinac oo saaka Aroor hore soo biloowday.

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com 

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close