DHAGEYSO: Puntland: ”Lays hor-fadhin maayo, Gaalkacyana Puntland ayaa ka talineysa” + Hanjabaad Culus!

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Gaalkacyo (Horumar Online) – Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada maamulka Puntland, oo lagu magacaabo Cabdulaahi Rasaas ayaa caawa ku dhawaaqay Go’aanka Puntland uga degsan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYIGA SARKAALKA

Sarkaalkan ayaan sheegay in magaalada Gaalkacyo uu ka talinayo Maamulka Puntland, isagoona sidoo kale Sheegay inay guullo ka gaareen Dagaalkii maanta oo Axad aheyd ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Waxaa deganaansho aan cago badan ku taagneyn caawa laga dareemayaa Magaalada Gaalkacyo, iyadoo ay weli jirto Cabsi xooggan oo ku aadan in mar kale Dagaal culus oo khasaare geyta halkaas dib uga qarxo.

ciidamada-puntland_horumar_online

Ku dhawaad 40 ruux ayaa ku dhimatay dagaalkii maanta oo Axad aheyd ka dhacay magaalada Gaalkacyo, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, kuwaasoo inta badan ah dhinacyada dagaalku dhexmaray.

Maamullada Galmudug iyo Puntland, ayaa Hanjabaadyo hor-leh hawada isu marinaya, taasoo sababi karta in dagaal cusub markale qarxo.

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close