Home WARARKA MAANTA Laysinkii ugu horreeyey ee Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga ee Somalia oo la...

Laysinkii ugu horreeyey ee Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga ee Somalia oo la shaaciyey goorta la bixin doono

SHARE

Muqdisho (Horumar Online) – Shirweynihii 23-aad ee Toddobaadka Shidaalka Afrika ee bishan November 1-dii ka dhacay magaalladda Cape Town ayaa looga dhawaaqay in Fasaxa Laysinka ee Shidaalka iyo Gaaska Somalia la bixin doono bilowga sannadka soo socda ee 2017-ka.

Tallaabadaasi ayaa muhiimad lagu siinayaa Tartanka Shirkadaha Sahminta Shidaalka si ay Shidaal uga baaraan Maamul-gobaleedyadda Galmudug, HirShabelle iyo K/Galbeed Somalia.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Dowladda Federalka ayaa lagu sheegay in dhawaan la soo dhamaystiray Heshiiska Saami-qeybsiga Wax-soo-saarka Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga.

oil_horumar_online

Wasaaradda waxay kaloo guud-mar ku samaysay qoraalka qabyadda ee Sharciga Cusub ee Shidaalka Somalia, waxaana haatan dib-u-eegaya Daneeyayaasha Shidaalka Somalia.

Dhinaca kale, Shaacintan ayaa ku soo beegantay iyadoo laga dhur-sugayey guusha Sahminta Shidaalka Somalia iyo Sahminta kale ee haatan socota ee lagu guuleystay ee dalalka deriska, sida Kenya oo kale.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE