Home WARARKA MAANTA SHARIIF XASAN: ”Waxaan ahay Musharrax u taagan xilka Madaxtinimada dalka Soomaaliya”

SHARIIF XASAN: ”Waxaan ahay Musharrax u taagan xilka Madaxtinimada dalka Soomaaliya”

SHARE

Baydhabo (Horumar Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Munsaabad ka dhacday Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayuu Shariif Xasan kaga dhawaaqay in uu yahay Musharrax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Munsaabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Dhallinyaro, Haweeyn iyo xubno kale, waxaana uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ku dhawaaqay in uu yahay Musharrax Madaxweyne.

shariif-xasan-sheekh-aadan

Qaar ka mid ah Dadweynihii ka soo qeyb galay Munaasabada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu u qalmo qabashada xilka Madaxtinimada Soomaaliya 2016 ilaa 2020-ka.

Shariif Xasan oo iminka ah madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyay ayaa xusay, in wax badan uu dalka u qaban doono haddii uu ku guuleysto doorashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Xafiiska Horumar Online, Baydhabo
Horumaronline@gmail.com

SHARE