Home WARARKA MAANTA Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Gaalkacyo & Khasaaraha labada dhinac oo aad u...

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Gaalkacyo & Khasaaraha labada dhinac oo aad u kordhay

SHARE

Gaalkacyo (Horumar Online) –  Waxaa warar dheeraad ah ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay dagaalka ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug ku dhexmaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

In ka badan 10 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku geeriyooday dagaalka ka socda Magaalada Gaalkacyo, iyadoo isbitaalada Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo la geeyay dad dhaawacyo kala duwan.

Wararka ay helayso Horumar.com ayaa sheegaya dadka dhintay inay u badan yihiin dhinacyada halkaasi ku dagaalamay, waxaana yar Khasaaraha rayidka ka soo gaaray dagaalka Gaalkacyo.

Waxaa jirta dad rasaas habow ah ugu tagtay Xaafadaha ay kaga sugan yihiin Magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo dhaawacyadooda la geeyay Isbitaalaadka.

Sidoo kale, wararku waxa ay sheegayaan dagaalka oo markiisi hore ka biloowday dhanka Galbeedka Magaalada Gaalkacyo markii dambe Xaafadaha in la isla soo galay.

Qof ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa Horumar.com u sheegay in dagaalka maanta uu aad u cuslaa oo dhawaqa rasaas culus oo dhinacyada isweydaarsanayeen aad loo maqlaayay.

Si kastaha ha’ahaatee, saraakiisha ciidamada dagaalamaya ayaanan weli ka hadlin dagaalka ka socda Magaalada Gaalkacyo ee ciidamada Galmudug iyo Puntland u dhaxeeya.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Horumar.com insha allaah.

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

SHARE