XOG: 22 ruux oo Somali ah oo lagu xiray xadka u dhaxeeya Kenya & Uganda

Filed under: WARARKA MAANTA |

Nairobi (Horumar Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xabsiga dhigtay Qaxooti Somaliyed ,kuwaas oo gaaraya 22 qof , waxaana dadkaasi la qabtay xilli ay ka talaabaayeen xadka u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Uganda.

Dadka ay sheegtay in ay xirtay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen lix haween ah iyo sidoo kale 16 caruur ah.

Taliyaha ciidanka Booliska Saldhiga  Lorugum Charles Rono ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaani yihiin Qaxooti Somaliyed oo si sharci daro ah ku safraayay.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay xireen darawalkii waday gaariga ay saarnaayeen dadka Somaliyed oo ka soo jeeda dalka Uganda.

Charles Rono oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa yiri “Dadkaan waa Qaxooti Somaliyed , waxaad u jeedaan  in ay doonaayeen in ay si sharci daro ah uga gudbaan xadka u dhaxeeya Kenya iyo Uganda , laakiin waxa ay inoo sheegeen in ay u socdeen Xero Qaxooti Warqadihii Aqoonsiga ee loogu tala galayna ma wataan , miyaysan muhiim aheyn hadii ay safraayaan in ay qaataan aqoonsiyo , ammaanka xadka labada dal aad ayaa loo adkeeyay , marka cidkaste oo u socota xiro qaxooti ama ka imaanaysa waa muhiim in ay wataan warqadaha ay xeradaasi ku joogtay.” Sidaas waxaa yiri Taliyaha ciidanka Booliska Saldhiga  Lorugum Charles Rono.

Ciidanka dowladda Kenya ayaa sidoo kale ku hanjabay in ay tilaabo ka qaadi doonaan darawalkii lagu helo , isagoo xadka u dhaxeeya Kenya iyo sidoo kale Uganda u kala gudbinaaya Qaxooti Somaliyed.

Kenya ayaa feejignaan adag waxa ay uga jirtaa weeraro uga yimaada dhanka Ururka Al Shabaab.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close