XOG: Jarmalka oo qorsheynaya in uu Qaxootiga dib ugu celiyo Afrika

Filed under: WARARKA CAALAMKA,WARARKA MAANTA |

Berlin (Horumar Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Jarmalka ayaa sheegay in uu doonayo in la joojiyo dadka soo galootiga ah ee ka soo gudbaya badda Mediterraneanka In dib loogu celiyo qaarada Afrika.

Afhayeen u hadashay wasiirka oo u warantay wargeyska Welt am Sonntag “Qorshaha waxa uu yahay in la joojiyo xarumaha dadka soo galootinga  ah lagu ururiyo si ay ugu soo safraan safarka halista ah ee badda Mediterranean.”

Qorshaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Jarmalka ayaa ah mid dadka soo galootiga ah ee laga soo badbaadiyo badda Mediterranean kuwaasoo badankooda ka soo baxa xeebaha dalka Libya dib loogu celiyo wadamada Afrika sida dalka Tunisia,Masar iyo dalalka kale oo Waqoyiga Afrika si ay halkaas uga soo dalbadaan magangelyo. Haddii dadka soo dalbanaya magangalyada laga aqbalo codsigooda waxaa la geyn doonaa qaarada Yurub.

migrent

Qorshahan la soo bandhigay ayaa ah mid la mid ah qaabka ay dowlada Australia ula dhaqanto dadka soo galootiga ah, waxayna ku xareysaa dadka soo galootiga ah jasiirado ku dhow dhow Australia.

Inkabadan 2,200 oo soo galooti ah ayaa laga soo badbaadiyay xeebaha Mediterranean maalin kaliya Sabtidii waxaana sidoo kale la helay meydadka toban ruux sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Talyaaniga.

Xafiiska Horumar Online, Berlin
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close