Home WARARKA MAANTA Axmed Madoobe: ”Gaalkacyo Nabadeeda ilaa Imaaradka u tagnay in maanta uu dagaal...

Axmed Madoobe: ”Gaalkacyo Nabadeeda ilaa Imaaradka u tagnay in maanta uu dagaal ka socdo waan ka xumahay”

SHARE

Kismaayo (Horumar Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo la hadlay warbaahinta Magaalada Kismaayo ayaa waxa uu ka hadlay Dagaalka dib ugu soo cusboonaaday Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, halkaasi oo ay ku Dagaalamayaan Ciidamo ka kala socda Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa wuxuu sheegay in uu aad uga xun yahay falkan Dagaalka ah, sidoo kalena ay cambaareyanayaan, waxaana uu sheegay in muhiim ay tahay in la dhowro heshiiskii Magaalada Dubai ay ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Waxa uu sheegay Nabadda Gaalkacyo inay u tageen  ilaa Imaaraadka Carabta, hadana Gaalkacyo dagaal uu ka socdo, taasina ay tahay ayaan daro weyn.

“Waxaan marka hore cambaaraynaya oon waliba ka xumahay in Gaalkacyo oo nabadeeda aan ilaa Imaaradka u tagnay in maanta uu dagaal kasocdo maha wax la aqbali karo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay Gaalkacyo u dirayaan wafdi dhex dhexaadin ah, waxaana uu xusay in Shirkii Imaaraadka wajigiisa labaad uu 20-ka Bishan Kismaayo ka furmaayo.

Colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo oo noqotay mid soo laa laabata ayaa dhibaatada ugu badan waxa ay ka soo gaarta Bulshada ku nool Magaaladaasi oo ka salkacay aqaladooda.

Xafiiska Horumar Online, Kismaayo
Horumaronline@gmail.com

SHARE