DHAGEYSO: C/kariin Guuleed oo xaqiijiyay in uu Khadka telefoonka kula hadlay M/wenyaha Puntland

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Cadaado (Horumar Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa xaqiijiyay inay maanta khadka teleefanka ku wada hadleen Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynaha Galmudug , ayaa sheegay in wada hadalkan ay qayb ka ahaayeen Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Michael Keating, Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, ayna ka wada hadleen joojinta dagaalka Gaalkacyo iyo hirgelinta heshiiskii nabadeed, ay isaga iyo Madaxweynaha Puntland ku wada gaareen Magaalada Abu Dhabi.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA CABDIKARIIN GUULEED

Madaxweynaha oo gelinkii dambe ee maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado, ayaa sheegay inay isla garteen cidii xabad joojinta jebisa, in ay iyadu masuuliyadeeda qaadi doonto.

cabdikariin-guuleed-horumar_online

Waxaa kaloo uu sheegay in wada hadalkaasi laga soo qaybgeliyay Taliye-yaasha Ciidamada Puntland iyo Galmudug, ayna siiyeen amaro la xiriira, sidii xabadda lagu hakin lahaa.

C/kariin Xuseen Guuleed, Madaxweynaha Galmudug, ayaa wada hadalkan ku sheegay mid muhiim ah, oo waqti dheer qaatay, laguna fallanqeeyay wax badan, sida uu yiri.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close