DHAGEYSO: Faroole oo si aan looga baran uga hadlay dagaalka Gaalkacyo

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Garoowe (Horumar Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland kana mid ah xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka ayaa ka hadlay dagaalada kusoo laalaabtay magaalada Gaalkacyo, Wuxuuna sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay uu ahaa Midkii ugu Khasaaraha Badnaa.

Mr. Faroole ayaa sheegay in dagaalada magaalada Gaalkacyo ay saameyn adag yeesheen loona baahan yahay in labada maamul ka shaqeeyaan joojinta colaada muddada qaadatay.

HALKAN KA DHAGEYSO HADALKA FAROOLE

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, ayaa Sheegay in xubnaha aqalka sare ee matalaya Galmudug ay kala shaqeyn doonaan sidii looga qeyb qaadan lahaa joojinta colaada magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

faroole

Doorasho ka dhacdo dalka Soomaaliya ayuu sheegay haddii la doonayo in muhiim tahay joojinta dagaalada ka dhacaya magaalada Gaalkacyo, madaxdana looga baahan yahay iney tagaan magaalada Gaalkacyo.

Dowlada Soomaaliya ayuu sheegay in masuuliyad weyn ka saaran tahay dagaalada ka dhacaya magaalada oo dad badan ku dhinteen kuna barakaceen.

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close