DHAGEYSO: Madaxweyne Xasan oo si kulul uga hadlay dagaalka Gaalkacyo

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay dagaalka mudada bisha ah ka soconaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha oo wareysi siiyay Universaltv, waxna laga weydiiyay waxa uu kaga jawaabayo eedeymaha Puntland, ee ah in Dowladda Somaliya ay hurinayso dagaalka Gaalkacyo, ayaa si adag u beeniyay eedeymahaasi.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNAHA

“Waxaa la yiri dagaal hadduu dhaco waxa ugu horeeya ee dhinta waa runta. Dagaal hadduu dhaco runta way dhimanaysaa, dagaalkaas uun baa xoogga saaraya.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Madaxweynaha, ayaa yiri “Dowladda Federaalka ee Somaliya meel ay uga shaqayso horin colaado ma jirto, laakiin waxaa la taaban karaa oo marqaati leh meelo badanoo uga shaqaynay colaadda inay danto. Wax doora iyo wax qalbiga kala jir ah oo Dowladda Somaliya ay u hayso colaadda meeshaasi ka jirta, haba yaraatee ma jirto.”

hassan-sheik-mohamud

Waxaa uu intaa ku daray “Walaalahaas waan ka codsanay, waan kala shaqaynay, horeyna waan uga shaqaynay. Bishii December heshiis beesha caalamka iyo Madaxda Somalida oo dhan ay goobjoog ka ahaayeen, ayaa lagu heshiiyay Magaalada Gaalkacyo, dhaqangelinta heshiiskaasi uun baa dib nooga dhacay. Dhaqangelinta heshiiskaasi dib u dhiciisii ayaa keenay gocashada mardambe in colaadda soo cusboonaato ee wax cusub maaha.”

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hoosta ka xariiqay in colaadda Gobolka Mudug ay jirto muddo hal qarni ka badan, isla-markaana aysan ahayn wax shalay uun la bilaatay Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalka horaantii bishii October ka soo cusboonaday Magaalada Gaalkacyo, ayaa sababay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo burbur maaliyadeedba leh, iyadoo dadkii magaalada ku noollaana ay intoodu badan isaga carareen guryahooda.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close