DHAGEYSO +SAWIRRO: Muxuu ka yiri Madaxweynaha Puntland dagaalka Gaalkacyo? +HESHIIS

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Boosaaso (Horumar Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa wuxuu galabta ka hadlay dagaalka dib kaga soo cusboonaaday Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Puntland oo maanta Magaalada Boosaaso ku qaabilay wefdi uu hogaaminayo, Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. Michael Keating, ayaa sheegay intii ay wada jooggeen wefdigaasi inay khadka teleefanka kula xiriireen Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, ayna isla qaateen xabad joojin.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA C/WELI GAAS

Madaxweynaha Puntland, ayaa sidoo kale sheegay in leesku waafaqay in maalinta Jimcaha, ay Madaxdu isugu timaado Magaalada Gaalkacyo, inta ka horeysana la dhaqangeliyo xabad joojinta.

Waxaa uu intaa raaciyay in khadka teleefanka la soo geliyay
Taliye-yaasha Ciidamada Galmudug iyo Puntland, laguna amray in ay xabad joojinta dhaqangeliyan, sida uu yiri.

C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay inuu rajeynayo in colaadda Gaalkacyo dhammaato, dadka deegaankuna ay nabad ku wada noollaadaan.

Gaas, ayaa carab dhabay inay Puntland dooneyso in nabad kula noollaato deriskeyda, lagana wada shaqeeyo horumarka Magaalada Gaalkacyo.

Michael Keating oo ka barbar hadlaayay Madaxweyne Gaas, ayaa soo dhaweeyay xabad joojintan, waxaana uu hoosta ka xariiqay inaanan loo baahnayn sii socoshada dagaalka Gaalkacyo.

kulanka-keating-iyo-gaas kulanka-keating-iyo-gaas1 kulanka-keating-iyo-gaas2 kulanka-keating-iyo-gaas3 kulanka-keating-iyo-gaas4 kulanka-keating-iyo-gaas5 kulanka-keating-iyo-gaas6 kulanka-keating-iyo-gaas7 kulanka-keating-iyo-gaas8 kulanka-keating-iyo-gaas9 kulanka-keating-iyo-gaas10

Xafiiska Horumar Online, Boosaaso
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close