Donald Trump oo weerar afka ah ku qaaday Somalida dalka Mareykanka

Filed under: WARARKA MAANTA |

Minnesota (Horumar Online) – Iyadoo saacado ay ka harsan yihiin Doorashada Madaxtinimada dalka Mareykanka ayaa Musharax Donald Trump, waxa uu weerar afka ah ku qaaday dadka Somalida ah ee ku nool dalka Mareykanka.

Somali badan oo dalkooda hooyo uga cararay colaada ka taagan, ayaa qaab Qaxootinimo ah ku degan dalka Mareykanka intooda ugu badan waxa ay degan yihiin  Minnesota.

Trump, ayaa sheegay in si khaldan dadka Somalida ah loo dejiyay  Minnesota, waxaana sababta uu ku sheegay Somalida inay yihiin dad aanan laheyn Xirfado shaqo oo wanaagsan.

Waxa uu si caro leh ugu eedeeyay dadka Somalida ah inay qaarkood la shaqeeyaan Daacish, halka qaar kalena uu ku sheegay inay ku biireen, taasina uu ku tilmaamay Musiibo qaran, maadaama dalka Mareykanka ay degan yihiin.

“Qaxootiga aadka u faraha badan ee ay Soomaalida ay ka mid yihiin waa musiibo aad u weyn oo soo gaartay dalka Mareykanka gaar ahaan Minnesota , waxa ay la shaqeeyaan kooxda Daacish , ma ahan dadka  Aqoon leh ama xirfad leh marka waa ay iska yimaadeen halkaani si khaldana waa loo dejiyay guul fiican mahan taasi” ayuu yiri Donald Trump.

Dadka Somalid ah ee dalka Mareykanka degan, ayaa hada u muuqda kuwa ka qaybgalaya Doorashada dalkaasi ka dhaceysa, waxaana ay intooda badan u codeynayaan Hillary Clinton, maadaama Trump caqabado badan ay kala kulmayaan hadii ay codka siiyaan.

Maalinta Talaadada ayaa la filayaa in Doorashada Madaxtinimada dalka Mareykanka si rasmi ah uga bilaabato Magaalooyinka dalkaasi.

Xafiiska Horumar Online, Minnesota-USA
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close