Doorashada Xubnaha Aqalka sare Hirshabelle oo maanta Jowhar ka dhaceysa

Filed under: WARARKA MAANTA |

Jowhar (Horumar Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Jowhar ay ka dhacdo Doorashada Xubnaha Aqalka sare ee Maamulka Hirshabelle oo tan iyo markii lagu dhawaaqay liiska Musharaxiinta Aqalka sare ee Maamulkaasi xoogaa Khilaaf uu ka taagnaa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed, ayaa sheegay saacada marka ay tahay 10:00 Subaxnimo inay isku imaan doonaan Xildhibaanada maamulka, kadibna uu furmi doono Shirka Baarlamaanka.

Waxa uu sheegay saacada marka ay tahay 11:00 Barqanimo inay bilaaban doonto Dhageysiga Khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta Aqalka Sare.

Cismaan Barre Maxamed, ayaa sidoo kale sheegay ilaa laga soo baxo Salaada Casir inay socon doonto Khudbadaha Musharaxiinta, marka la gaarana 4:00 galabnimo inay bilaabanayso Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Maamulka Hirshabelle.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ayaa wuxuu ugu baaqay  inay soo xaadiraan Kulanka Baarlamaanka ee maanta lagu dooranaayo xubnaha Aqalka sare.

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa maanta la adkeeyay, ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ayaa la geeyay goobaha ku dhaw hoolka Doorashada ee Magaalada Jowhar.

Siyaasiyiin uu ka mid yahay Muuse Suude Yalaxow, ayaa maanta tartami doono, maadaama uu ku jiro Musharaxiinta Aqalka sare ee Hirshabelle.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close