Home WARARKA MAANTA Guddoomiyaha Baarlamaanka oo maanta tegay magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo maanta tegay magaalada Baydhabo

SHARE

Baydhabo (Horumar Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheek Cismaan (Jawaari) ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.

Jawaari ayaa sababta uu u tagay Magaalada Baydhabo, waxaa lagu sheegay inay tahay u kuurgalka xaaladaha Doorashada Aqalka hoose ee ka socda Magaalada Baydhabo.

Sidoo kale arinta kale ee u tagay Guddoomiye Jawaari waxa ay tahay inuu xaqiijiyo Kursiga Xildhibaanimadiisa, maadaama Kursigiisa uu yaalo Magaalada Baydhabo oo laga soo dooranaayo.

Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee deeganada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa bilaaban doonto maalmaha soo socda, sidaasi awgeed waxaa socda olole ay wadaan xubno xildoon ah oo deeganada Maamulkaasi ka soo jeeda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya ayaa doonaya inuu ka soo dhex muuqdo Xildhibaanada cusub ee ka imaanaya deeganada Maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa xusid mudan masuuliyiinta kala duwan ee Dowladda ee iminka sida KMG ah u haaya xilalka qaranka, dhamaantood inay yihiin xildoon, kuwaasi oo ku takri fala hantida qaranka, hadii ay tahay gaadiidka Dowladda, Dhaqaalaha iyo ciidamada Intaba.

Magaalada Baydhabo ayaa ka mid ah meelaha sida wanaagsan ay uga socdaan Doorashooyinka la xiriira Aqalka hoose.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE