Kenya oo beenisay in ciidamadeeda ka faa’idaan dhuxusha Somaliya!

Filed under: WARARKA MAANTA |

Nairobi (Horumar Online) – Dowladda Kenya ayaa beenisay eedo soo cusboonaaday oo ku saabsan in ciidamadeeda ay ka faa’idayaan dhoofinta dhuxusha Soomaaliya oo ah ganacsi socday, iyadoo ay jirto joojinta Qaramada Midoobay.

Afhayeenka madaxtooyada Manoah Esipisu, ayaa sheegay in warbixinta ay soo saareen kooxda Qaramada Midoobay ee la socota howlahaasi ay ku saleysan tahay eedo hore ay u soo saareen ururada aan dowliga aheyn ee NGO-yada, ayna hal ujeedo leedahay oo ah in niyadda laga jabiyo ciidamada Kenya.

dhuxusha-laga-dhoofiyo-soomaaliya

Manoah Esipisu, ayaa waxa uu ku tilmaamay warbixintaasi Kooxda Qaramada Midoobay ay soo saareen mid aan waxba ka jirin oo been abuur ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ciidamada Kenya ay ka helaan 12 milyan oo doolar sanadkii canshuurta ay ka qaadaan dhuxusha la dhoofiyo.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close